Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay dishay ku dhawaad 20-askari oo ka tirsanaa al-shabaab iyo madaxii al-shabaab u qaabilsanaa dhanka miinooyinka.
War kasoo baxay laamaha amaanka Kenya ayaa lagu sheegay in howlgal laga sameeyay Gobolka Gedo lagu dilay ku dhawaad 20-xubnood oo ka tirsanaa al-shabaab iyo madaxii miinooyinka al-shabaab nin magaciisa lagu sheegay Maalim Sheriff
Laamaha amaanka Kenya waxa ay sidoo kale sheegeen in howlgalka lagu soo qabtay 16 AK47 rifles, 6 IED, 2 pistols, 8 RPGS, kuwaasi oo ay isticmaalayeen xarakada al-shabaab oo gedo ku sugan sida warkal laga sheegay.
“Ciidamada difaaca Kenya way sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan al-shabaab inta ay ka guuleysan doonaan ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowlada Kenya.
Dowlada Kenya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay joogteenaysay weerarada ay la beegsanayso al-shabaab iyadoo weerarkii ugu dambeeyay lagu dilay madaxii sirdoonka xarakada al-shabaab mahad Karatey.

