Wararka haatan Naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in saacadaha soo socda uu Magaaladaas ka furmi doono kulan u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud iyo qaar kamid ah odoyaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.
Kulanka dhaxmaraya Madaxweynaha Soomaliya iyo odoyaasha ayaa daba-jooga kulan xalay waqti badan qaatay oo dhaxmaray Madaxweynaha Soomaliya iyo Odoyaasha kaasi oo inta badan loogu hadlay sidii odoyaasha Gobolka Hiiraan ay marka kale ugu qeyb gali lahaayeen shirka ka Furan Magalada Jowhar.
Amaanka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa aad loo adkeeyay waxa sugida amniga ka qeyb qaadanaya ciidamada Dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

