Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in askari iyo sarkaal ka tirsanaa maamulka degmada Baraawe ee dowlada soomaliya ay isku dhiibeen xarakada al-shabaab.
Gudoomiyaha degmada Baraawe ee dowlada soomaliya oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa si kulul u beeniyay in askari iyo sarkaal ka tirsanaa maamulkooda ay isku dhiibeen maamulka al-shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxa uu Tilmaamay in sheegashada ay tahay mid been abuur ah isla markaana ay xiligaan ku sugan Yihiin deeganka aysan jirin askari iyo sarkaaal maamulkooda kamid ah oo isku dhiibaya al-shabaab.
Al-shabaab ayaa shalay soo bandhigay labo ruux ay ku sheegeen in ay kamid ahaayeen maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya.

