Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo khatarta ay ajaanibta sharci-darrada ahi ku hayaan amniga Puntland, kaddib markii la ogaaday in ajaanib badan ku biireen kooxda Daacish.
Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo amarkan soo saartay, ayaa mamnuucday in dadka sharci la’aanta ah ay sii joogaan Puntland, kuwa imaanayana la joojiyo.
Go’aankaan ayaa sidoo kale saameynaya dadka ku shaqaysta dawarsiga, waxaana si buuxda looga mamnuucay inay istaagaan goobaha bulshada sida masaajidda, waddooyinka, iyo xarumaha ganacsiga.

