Mukhtar Shariif oo Soomaali reer minnesota ah oo lagu xukumay 17 sano xabsi ah

0

Mukhtaar Maxamed Shariif, 34 jir, reer Minnesota ah ayaa lagu xukumay 17 sano iyo 6 bilood oo xabsi ah, ka dib markii uu lunsaday 47 million oo dollars, lacagtaasoo loogu tala galay in lagu quudiyo carruurta Soomaaliyeed.

Sida uu ku dhawaaqay ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Lisa D. Kirkpatrick, ninkaan ayaa sidoo kale lagu amray inuu bixiyo magdhaw dhan $47,920,514.

“Eedaysanuhu waxa uu geystay khiyaano aan gabasho lahayn oo si sharci-darro ah uu u lunsaday lacago loogu talo galay in lagu quudiyo carruurta xilliga uu jiray safmareenka caalamiga ah ee Covid19. Wuxuu jeebkiisa iyo kuwa shisheeyaba ku shubtay malaayiin dollar. “Maxkamaddu waxay sidoo kale ogaatay in uu ku sii adkeystay dambigiisa isagoo carqaladeeyey sharciga. Xukunkan adag waa digniin cad oo ku socota cid kasta oo isku dayaysa inay ku xadgudubto barnaamijyada dowladdu maalgeliso ,” ayay tiri Lisa D. Kirkpatrick.

Sida lagu caddeeyey maxkamadda, ninkan iyo kuwa la shaqaynayey ayaa lunsaday malaayiin dollar ah oo ahayd lacag ka timid Barnaamijka Quudinta Carruurta ee Dowladda Federaalka Maraykanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here