Dowladda Soomaaliya oo Digniin u Dirtay Qaar Kamid ah diblumaasiyiinta shisheeye

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Somaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa qaar kamid ah diblumaasiyiinta shisheeye ku eedeeyay inay ku xad gudbeen qaranimada iyo midnimada dalka.

Fiqi oo hadal ka jeediyay xaflad ay ku qalin jabinayeen dublamaasiyiin oo ka dhacday xarunta wasaaradda, ayaa dhaliilay safiirro booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee Somaliland, isagoo sheegay in tallaabada ay qaadeen ay dhaaftay shaqadii loo igmaday ee dublamaasiyadeed.

“Waxaan qorsheyneynaa inaan u yeerno mid ka mid ah safiirradan si bareer ah u xaqiray qaranimada Qarankeenna,” ayuu yiri Fiqi oo aan magacaabin dublamaasigaasi iyo dalkooda. Waxa uu xaqiijiyay in Wasaaradu ay codsatay in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya si ay uga wadahadlaan,” ayuu yiri Fiqi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here