Ethopia oo amaantay sidii ay u dhaceen doorashooyinkii madaxtooyada iyo ururada Somaliland.

0

Dowlada Itoobiya ayaa amaantay sidii ay u dhaceen doorashooyinkii madaxtooyada iyo ururada siyaasada ee Somaliland.

Qoraal ay baahisay Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya, ayaa lagu amaanay qaabkii ay u dheceen doorashooyinkii 13 November,  waxaana lagu sheegay in ay ahaayeen qaar xor iyo xalaal ah.

“Wasaarada Arrimaha Dibadda Jamhuuriyada Federaalka Dimuquraadiga Itoobiya waxay shacabka Somaliland ugu hambalyaynaysa qabashada doorashadii nabada iyo dimuquraadiga ahayd, Itoobiya waxay Koomiishanka Qaranka Somaliland ugu hambalyaynaysa doorashada xorta iyo xalaasha ah” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in qabashada doorashooyinkani ay ka turjumayaan qaangaadhnimada dowladnimada Somaliland iyo dimuquraadiyadeeda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here