Raysal Wasaare Xamse “Itoobiya Waxay Rabtaa iney Xoog ku qaadato badda”

0

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta markale si adag uga hadlay xiisada ka dhalatay damaca Itoobiya ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay iney ka go’an tahay Xukuumaddiisa difaaca qaranimadda Soomaaliya, islamarkaana uusan marnaba aqbali doonin laba arrin oo Itoobiya dooneyso in ku hesho qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

“Itoobiya waxay rabtaa in labo jid midkood oo kala ah iney xoog ku qaadato bada Soomaaliya ama in loo hirgaliyo heshiiska ay la galeen Somaliland, labadaas arrin waxan hayn oo Itoobiya damacsan tahay majirto” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Wuxuu sidoo kale xusay Raysal wasaare Xamse in dowladda Soomaaliya ay u madax banaan tahay iney la sameysato xiriir iskaashi dal walba oo ay danaheeda ka dhex aragto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here