
Dowladda Jabuuti ayaa haatan bilowday dadaalo lagu xalinaayo khilaafka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ethopia,waxayna balanqaad u sameysay dowladda Ethopia Dekadd raadinaysa.
Wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti oo wareysi siiyay BBC NEWS ayaa sheegay in jabuuti ay siinayo Itoobiya, dekedd ay 100% maamulkeeda leedahay Itoobiya, xadka labada dal wadagaana u jirta wax kayar 100KM, taas oo uu sheegay in ay Jabuuti balan qaadayso.
Maxamed Cali Yuusuf, ayaa sheegay in ay tan u sameynayaan si loo soo afjaro khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in MW Geelle ka shaqeynayo xal kama dambeys ah oo ay gaaran Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo madaxweynayaasha labada Xassan Shiikh maxamud iyo Abiy Axmed kula kulmi doona dalka dalka Shiinaha si xiisada loo damiyo.
Hadalkaan kasoo baxay Dowladda Jabuuti ee balanqaada dekeda ay siinayaan Itoobiya ayaa soo baxaya, xili xiisada diblumaasiyada ee Soomaaliya & Itoobiya sare u kacay, oo uu saameeyey daganaanshaha Geeska Afrika.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Taye Atskeselassie, ayaa ku eedeeyay madaxda Soomaaliya inay sii xumeeynayaan xiisadda labada dal ee deriska ah. Isagoo sheegay in Soomaaliya ay gacan saar la leedahay hay’ado shisheeye oo doonaya inay khal-khal geliyaan gobolka.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Addis Ababa Jimcaha maanta, ayuu sheegay in qaar ka mid ah madaxda Soomaalida ay si firfircoon uga shaqeynayaan sidii colaadda loo sii kordhin lahaa, gaar ahaan iyadoo la wiiqayo tabarucaadka askarta Itoobiya ee ku howlan nabad ilaalinta Soomaaliya muddo toban sano ah.
