Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo abaare 04;50AM Xalay laga maqlay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qaraxyadda oo ahaa ilaa dhowr xabo ayaa ka dhacay xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim Degmadda Garasbaaley ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, qaraxyadda oo ahaa ilaa laba qarax ayaa lala beegsaday goobo ganacsi ee ku yaalla suuqa xaafaddaasi oo ka tirsan degmada Garasbaaley,waxaana la xaqiijiyay qaraxyadda kadib uu suuqaas gubtay.
Laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in sababaha loo qarxiyay goobahaas ganacsi ay yihiin, Caamerooyinka CC-TV oo dhawaan lagu xiray goobahaas,taasi oo Ururka Al-shabaab diideen.
Dhawaan ayay aheyd markii sidaan oo kale loo qarxiyay suuqa Ceelasha biyaha duleedka magaaladda oo dhawaan Cameerooyin lagu xiray,waxaana halkaas ku gubtay ganacsi badan.

