Magaaladda Muqdisho waxaa ka bilowday kulamo loogu arinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Shiikh Shariif Axmed ayaa Hoygiisa Magaaladda muqdisho kulan kula yeeshay Xildhibaannada Beelaha Hawiye ee ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankaan ayaa la sheegay in loogu hadlay xaalada guud ee dalka iyo dhibaatada heysata shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho.
Sida laga soo xigtay qaar kamid ah Xubnaha kulankaan ka qeyb galay waxaa lagu gorfeeyay culeyska ay wajahayaan ganacsatada Muqdisho, gaar ahaan canshuuraha ay ka qaado dowladdu oo aad ay uga cabanayaan.
Xildhibaanada kulankaan isugu yimid ayaa falanqeyn dheer kadib isku raacay in la dhageysto cabashooyinka ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ganacsatada, loona istaago sidii wax looga qaban lahaa culeysyada jira.
Dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay canshuuraha ay ka qaado ganacsatada, taasi oo dhalisay gadood ganacsi oo maalmo badan ka jiray Muqdisho, inkastoo wax un xal ah la gaaray.

