Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyadda Sare ee Dalka oo Maanta La Shaacinaayo

0

Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay shaaciso Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyadda Sare ee dalka ee dhawaan la qaaday.

 

Imtixaanka Dowladda ayaa waxaa sanadkaan u fadhiistay tiro lagu sheegay 32,038,kuwaasi oo ka kala socday 803-dugsi,waxaana lagu qaaday 139 xarumood oo dalka ah,sida ay shaacisay wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaliya.

 

Goobaha sanadkaan imtixaanka Dowladda la gaarsiiyay waxaa kamid ahaa Magaaladda laascaanood ee gobolka Sool oo dhawaan dagaalo ay ka dhaceyn, iyo deegaano lagala wareegay Dagaalyahanadda Al-shabaab.

 

Wasaarada Waxbarashada ayaa sanadkii 2015-kii bilowday qaadista imtixaamka shahaadiga oo horey u qaadi jireen Dugsiyadda sare ee dalka,waxaana sanadkaan galay tiradii ugu badneyd tan iyo markii lasoo bilaabay qaadistiisa.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here