Dowlada Kenya oo Sheegtay in duqeyn ay ku dishay Madaxii Sirdoonka al-shabaab

0

Saraakiisha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Kenya ay ku dileen Mahad Mohammed Karatey oo ah sargaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha waxaa ay sheegeen in mahad uu ahaa ninkii ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday saldhigii ceel cadde ee lagu dilay tira badan oo ciidanka Kenya ka mid ahaa.

dowlada Kenya waxaa kaloo ay sheegtay in mahad karataay lala dilay 10 taliye oo darajooyinka dhexe ahaa iyo 42 askari.

Duqeenta lagu dilay mahad karataay ayaa Kenya waxaa ay sheegtay in ay fulisay 8-dii bishaan febraayo kadib markii ay duqeeyeen xarun ay shabaab ku sugnaayeen oo lagu magacaabo Nadris .

Afhayeenka ciidanka  Kenya Col David Obonyo ayaa talaadadii sheegay in 80 ka tirsanaa ciidanka amniyaatka oo uu tababaray mahad karataay ay doonayeen fulinta weerarobadan oo argagaxiso.

“waxaan xaqiijinayaa dhimashada mahad karataay iyo 42ka tirsan ciidankiisa amniyaadka in ay duqeeyn ay diyaarada heena fuliyeen ay ku dhinteen halka tira badana uu dhaawac soo gaaray sidaasi waxaa yiri afhayeenka ciidanka Kenya david obenyo”.

Karataay ayaa Kenya ay aamin santahay sidoo kale in uu ka dambeeyey dhimashada in ka badan 130 askari oo lagu dilay weeraro kala duwan ay ka mid ahaayeen kuwa isqarxin ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here