Muqdisho oo manta ka furmaya shirka golaha wadatashiga qaran.

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta oo talaado ah la filayaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho xili ay shalay muqdisho yimadeen dhamaan madaxda mamul goboleedyada marka laga yimaado puntland oo shirka uga maqan  qilaaf siyaasadeed oo kala dhaxeeya dowlada federaalka ee soomaliya

 

Shirkan uu gudoomin doono Madaxweynaha Jamhurriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh waxaa inta badan diiradda lagu saari doonaa arrimaha siyaasadda gaar ahaan wax ka badalkii lagu sameyay dastuurka  iyo amniga  dalka.

 

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sidoo kale shirkooda uga hadli doona howlgalladii ugu dambeeyay ee Al-shabaab looga qabsaday deegaanno dhowr ah.

 

Shirkaan oo lagu waday in uu dhaco 20kii bishii april 2024 ayaa manta waxa mar kale qeyb ka aheen madaxweynaha mamul goboleedka Puntland saciid cabdulahi dani

 

Dhinaca kalana Shirkan ayaa soo aadaya, xili maalinta bari ah madaxweyne xasan sheikh ay u buuxsami doonto 2 sano tan iyo markii loo dhaariyay xilka madaxweynaha 15 may 2022.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here