Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir oo mar kale u fadhiisatay Kiiska Sayid-Cali

0

Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta markii 3aad u fadhiisatay  dhageysiga  kiiska dacwadda ah ee ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in xaaskiisa uu ku gubay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa todobaadyo ka hor la horkeenay eedeysanaha kadib markii uu rafcaan kasoo qaatay xukun dil toogasho ah oo ay ku ridday maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa ku Eedeysan in uu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo ugu dambeyn u geeriyootay dhaawac dabkaa kasoo gaaray.

waxaana manta la filayaa in ay maxkamadu soo gabagabeyso kiiska sayid cali macalin daauud ooo ah kiiska ugu hadal heynta badan soomaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here