Wararka aan ka heleyno Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dilay farsamayqaan ka mid ahaa dadka degaanka Magaaladaasi cabudwaaq
Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray afweyne lugey xayle , isla markaana waxaa uu kamid ahaa dadka sida weyn looga yaqaano caabudwaaq, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino.
Dadka degaanka ayaa waxa ay kusoo warrameen in dilka loo geystay Marxuum afweyne lugey xayle uu ka dambeeyay, kadib markii muran kooban uu dhex maray marxuumka la dilay iyo kan wax dilay kaasi oo salka ku haya arimo dhul.
Si kastaba maalmihii ugu danbeyay waxaa ka sii dareysay xalada amni ee magalada caabudwaaq ee waqooyiga gobolka galgaduud.

