Ciidamada Asluubta Soomaliyeed oo Maanta u dabaal-dagaya Xiligii la aas-aasay

0

Ciidamada Asluubta Somaliyeed  ayaa maanta waxa ay u dabaal degayaan 46-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay ciidankaasi oo maanta ku beegan.

Munaabada lagu xusaayo aas-aaska ciidamada asluubta ayaa haatan waxa ay ka socotaa Xarunta Ciidanka Asluubta ee ku taallo Duleedka Muqdisho. Waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada Asluubta Somaliyeed Mudane Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa u hambalyeeyay dhamaan ciidamada Asluubta Somaliyeed  oo maanta u dabaal-dagaya 46-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay.

Madaxda dowlada soomaliya ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan 46-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay ciidankaasi Oo maanta ku beegan.

17-ka February sanadka marka u ahaa  1970-kii ayay aheyd markii la aas-aasay  Ciidamada Asluubta Somaliyeed oo maanta laga joogo 46-sano.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here