Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal ay xalay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Bay waxay ku dileen Cabdullaahi Caliyow iyo Najiib Cabdisalaan oo ka tirsanaa al shabab , kuna howlanaa uruurinta lacago ay ka qadayeen dad shacab ah.
Howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaanada Sarmaan-dheere iyo Mooro-busbus ee gobolka Bay, waxayna saraakiisha hoggaamineysay warbaahinta u xaqiijiyeen inay ku guuleysteen dilka ragaasi ka tirsan al shabab
Maalmihii ugu danbeyay gobolka baay iyo guud ahaan degaanada mamulka koonfur galbeed soomaliya waxaa ka socday howlgalo ka dhan ah al shabab dhinaca kalana waxaa jira weraro al shabab ay ka geystaan degaanada mamulkaasi.

