Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa ka qeyb galay kulanka saddaxaad ee madasha dhaqaalaha iskaashiga carabta, wadamada Aasiyada dhexe iyo jamhuuriyada Azerbaijan kaas oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Wasiirrada arimaha dibadda ee kulanka ka qeyb galay ayaa adkeeyay taageerada ay u hayaan madax bannaanida, qaranimada iyo midnimada lama taab taanka ah ee Soomaaliya.
Wasiirrada ayaa muujiyay sida ay dowladda ay Soomaaliya ugu taageersan yihiin dadaalada ay qaranimadeeda dhul, cir iyo bad ku difaacaneyso.

