Taliye ku-xigeenka Ciidamada Amisom oo soo Gaba-gabeeyay Booqasho uu ku Tagay Baardhere iyo Diinsoor

0

Ku xigeenka Taliyaha ciidanka Amisom Maj. Gen. Mohammedesha  Zeyinu  ayaa soo gaba-gabeeyay booqasho uu ku tagay magaalooyinka dhawaan la wareegeen ciidamdaa dowlada soomaliya iyo kuwa amisom   ee Baardhere  iyo Diinsor, waxaana uu halkaasi kula kulmay  ciidamada Amisom ee ku sugan magaalooyinkaasi.

Labadaan magaalo ee kala ah Baardhere  iyo Diinsor ayaa bishii julay ee sanadkaan waxaa la wareegay ciidamada dowlada soomaliya iyo kkuwa Midowga africa ee amisom

Maj. Gen. Mohammedesha Zeyinu ayaa sheegay in booqashada uu kutagay magaalooyinkaasi ay niyada u dhiseeyso ciidanka Amisom ee kusugan gobolada dalka.

“howl-galkii aan kula wareegnay Bardheere waxa ay ahyed iftiin guuleed oo usoo hoyatay ciidanka Amisom  dhamaan dadka soomaaliyeed waxa ay fahmaan shaqada weyn ay qabanayaan Amisom waana ay ku farxsan yihiin howl-galkaan sidaa darted , waxaan doonayaa in aan aad idin ku mahad celiyo idinka  sidaasi ayuu yiri kuxigeenka taliyaha Amisom ee gaaray magaalooyinka Baardhere iyo Diinsor”

Mar uu ka hadlaayay Diinsoor waxaa  uu ciidanka Amisom  ku adkeeyey la shaqeynta ciidanka dowlada soomaaliya qaab wadajir ah inta dalka oo dhan laga saarayo Xarakada Al-shabaab.

“u jeedka howl-galkeena vwaxa uu yahay in Al-shabab laga adkaado iyo in la ciribtiro , in aan soo celino nabada iyo xasiloonida  dalka, sidaasi ayuu yiri  Mohammedesha” .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here