Duleedka xarardhere oo lagu dilay 30 xubnood ka tirsan Al:shabab.

0

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa duqeyn diyaaradeed ka fuliyay deegaan ka tirsan  gobolka mudug  ee mamulka galmudug

 

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo carfuuda oo qiyaastii 20km dhanka waqooyi bari kaga began degmada xarardhere ee konfurta gobolka ,isla markaana lala eegtay xubno ka tirsan Al-shabaab.

 

Sidoo kale Qoraalka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay  30  kamid ah dagaalamayaasha Al-shabaab kuna sugnaa carfuuda,, iyadoona duqeyntaas ay iska kaashadeen Ciidanka dowladda iyo kuwa AFRICOM.

Dhica kalana wararka simba ay ka heleyso duleedka xarardhere ayaa sheegaya in xalay mar kale halkaasi uu ka dhacay duqeyn ka dhan ah al shabab,

Aqriso warsaxaafadeedkaan hoose oo kasoo baxay dowlada soomaliya

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here