Dab xoogan ayaa shalay ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal, kaas oo loo badinayo in uu ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa.
Dabkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow magaalada Dangorayo.
Guddoomiye ku-xigeenka dagmada Dangorayo Cabdinuur Xaaji Axmed ayaa sheegay in maamulka magaalada ay ku guulaysteen daminta dabkaasi, isla markaana la baarayo waxa sababay.
maalmihii danbe degaanada soomaliya waxaa si weyn bulsada kaga cabanayeen koleel daran iyadoo meelaha kulee lada laga soo warinayo ay ka mid tahay degaanada puntland

