Mamulka Somalilamd ayaa mar kale ka hadashay hishiiskii ay la gashay bilowgii sanadkaan 2024 Raisul wasaaraha itoobiya abey axmed
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in geeska Afrika oo dhammi u tartamayo suuqa Itoobiya oo ah 120 Milyan oo aan lahayn marso ay wax kala soo degaan.
Wasiirku wuxuu ka hadlay hardanka dalalka Geeska Afrika ee ku wajahan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen suuqyada Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn (land locked country).
“Duniddu tartan ayey ku jirtaa, oo ganacsiga ayaa tartan ku jira. Qof waliba inuu dadkiisa shaqooyin u abuuro ayuu doonayaa. Innagu (Somaliland) waxaynu is afgarad la soo saxeexanay Itoobiya oo juquraafi ahaan aynu aad iskaga dhow nahay Soomaalida kale. Waxa aynu magaalo madaxda gobolka Soomaalida ay xadka Somaliland u jirtaa 50km, markaa waxa iskaga keen xidhan soohdimihii nolosha,” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.
Isagoo ka hadlayey tartanka dekaduhu ugi jiraan Itoobiya wuxuu yidhi; “Itoobiya waa 120 milyan oo qof oo aan bad lahayn. Geeska Afrika oo dhammi waxay u ordayaan inay helaan suuqaas ballaadhan ee Itoobiya. Dekedda Boosaaso iyo Garacadway ku jiraan tartankaas. Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu lahaa maalmihii u dambeeyay wuxuu lahaa ‘Itoobiya ha qaadato saldhig iyo deked bilaasha ee ka kaalaya Somaliland’ Farmaajo isna hore wuxuu u yidhi waxaannu Itoobiya siinay afar dekedood.
Suuqaas ayaa la isku haystaa ee waxa dalkaaga u soo kordhaya yaan lagaaga dhigin in baddii la iibinayo.

