MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQDAY DEGMOOYINKA XARARDHEERE IYO CEEL DHEER

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa gaaray Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer ee Galmudug, si uu u dardar-galiyo howlgallada dib u xoreynta dalka una dhiirigaliyo Ciidamada Qalabka Sida iyo ciidanka  difaaca shacabka ee  al shabab kula dagaallamaya deegaanno hoos yimaada degmooyinkaas.

 

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey geesiyaasha dib u xoreynta dalka nafhurnimada ay kaga difaacayaan dadkooda iyo dhulkooda sharwadeyaasha caadeystay daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta hantida umadda Soomaaliyeed ayaa hal darajo dallacsiiyay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ee ku faro adeygay gacan ku haynta degmada Xarardheere, isaga oo xusay in halganka dalka looga xoreynayno al shabab  uu heer gabogabo ah marayo, taariikhduna ay xusi doonta halyeeyada ku shahiiday dagaalka iyo kuwa u taagan dabargoynta  al shabab

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka degmada Ceeldheer, Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada difaaca shacabka ayaa ku adkeeyey in ay labo laabaan dadaaalkooda si uu u guuleysto halganka ay ku jiraan guud ahaan umada Soomaliyeed ee dalka looga sofeynayo al shabab

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here