maamul goboleedka Puntland oo xalay shir degdeg ah ku yeeshay garoowe ayaa waxa ay ku dhawaaqday in aqoonsigii iyo kalsoonidii kala noqotay dowladda Federaalka ee soomaliya inta laga helayo Hannaan Federaal oo dhameystiran oo Soomaali heshiis ku tahay.
war murtiyeed kasoo baxay shirka garoowe ka dhacay ayaa lagu yiri “Dawladda Puntland waxay kala noqotay aqoonsigi iyo kalsoonidii hay’addaha Dowladda Federalka ah inta laga helayo hannaan dastuur dhamaystiran oo Soomali heshiis kuwada tahay, Puntland-na qeyb ka tahay”.
“Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay”
Dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in Xasan Sheekh Maxamuud uu buriyey dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee isaga lagu doortay laguna dhaariyey, sidaasi darteedna uu lumiyey sharciyadii dastuuriga aheyd ee Madaxweynanimo.
“Puntland waxay si toos ah ugala xaajoonaysaa Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah arrimaha la xariira danaheeda” ayaa sidoo kale lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay mamulka Puntland
hoos ka aqriso warsaxafadeedka oo dhameystiran



