Waxaa sii kordheysa tirade dhimashada ee ka dhalatay qaraxii ka dhacay magaalada Ankara ee caasimada turky-ga iyadoona inta la xaqiijiyey ee ku geeriyoodeyn qaraxa dad gaaraya 28 ruux halka dhaawaca uu sii caka cakeynayo 61 qofood
Qaraxaan oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay hareeraha wado weyn oo ay ku taalo xarun ciidanka melatariga ku leeyihiin magaaladaasi ayaa lala bartilmaameydsaday kolonyo ciidan oo doonayey inay xeradooda galaan
Booliska dalka Turky-ga ayaa sheegay inay wadaan howl-galo ay ku baarayaan cidii ka danbeysay weerarkaasi
Ra’isul wasaare ku xigeen ahna afhayeenka xukuumada nucmaan ayaa sheegay in weerarka ay ka danbeyn karaan ururka bkk ama daacish isla markaana aysan ka hor dhaceyn natiijada ka dhalata baaritaanada booliska wadaan
Axmed da’ud oglo ra’isul wasaaraha dalka Turky-ga ayaa baajiyey socdaal uu ku tagi laha dalalka biljimka iyo azaebejan sababo la xiriira dhacdada ka dhacday dalkiisa.







