Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa maanta gaaray deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo ciidamada qaranka ku amaanay sida ay isaga difaceen werarkii Al shabab ee shalay ka dhacay halkaasi
Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihii shalay ay kuwada dagalameen Al Shabab iyo ciidanka dowlada
Socdaalka Taliyaha dhulka iyo taliyaha boliska gobolka ee sh.hoose ayaa kusoo begmaya xili dagaalo culus uu ka dhacay Sh.hoose halkaasi oo sarakisha dowlada looga dilay uu ka mid ahaa Alla ha unaxristee taliye libaan golcad oo ka mid ahaa Taliyasha Ciidanka xasilinta caasimada muqdisho.
Dhinaca kalana waxaa wali howlgalo xoogan uu ka socdaa halkaasi

