XOG:safarka farmaajo iyo shikh shariif ee Garoowe

0

Madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo shikh shariif shikh axmed ayaa lagu wadaa in ay ka dagaan magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland,

Garoowe ayaa waxaa laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta Farmaajo iyo shikh shariif oo isna Bari ku wajahan Garoowe

Xogaha laga helayo Ujeedka safarka siyaasiyiintaan ee Garoowe ayaa sheegaya in ay doonayaan sidii Saciid Deni madaxweynaha puntland ay uga qancin lahaayeen isbaaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh,

Shir saddex gesood ah ayaa lagu wadaa in uu ka furmo Garoowe xili ay socoto Dhaqdhaqa wax looga badalayo dastuurka KMG ah Ee soomaliya

Dhinaca kalana Shirkaan xasaasi ee Garoowe ayaa imaanaya xili Dowlada federalka ee Soomaliya ay Baajisay shir Arimaha masiiriga ee dalka looga hadli lahaa oo 30kii bishii 1aad ee janaayo uu ku baaqay Madaxweynaha puntland Saciid Dani kaasi oo loo xil saray asteynta shirkaasi dowlada federalka ee Soomaaliya

Si kastaba ha noqotee Xalada Siyasadeed ee dalka oo soo bilaabatay tan iyo markii Dowlada soomaliya ku dhawaqay wax ka badalka dastuurka dalka ayaa xiligaan u muuqdo mid jawi kale abuuraya iyadoo dowlada Federalka ee Somaliya ay ka go,an tahay sidii wax ka badal loogu sameyn lahaa dasturka Dalka oo muddo Sanado badan qabyo qoraal ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here