Jubaland oo qabatay askari al shabab u goostay oo muddo la radinayay

0

Laamaha amniga degmada Dhoobley oo howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay xaafado ka tirsan  degmada ayaa gacanta kusoo dhigay Xasan Ibraahim oo horay ugu biiray  alshabab

Ninkaan la qabtay ayaa hore ugu goostay  al shabab  isaga oona muddo  ay daba socdeen laamaha ammaanka Jubbaland, isagoona hadba deegaan ku dhuumaaleysanayay sida ay sheegeen ciidanka hayeshee ugu dambeyna waxaa suuro gashay in ciidamada Booliska Jubbaland ay gacanta kusoo dhigaan.

Ninkaan iyo labo nin oo kale ayaa horay  mamulka Jubbaland ugala baxsaday gaari Land Cruiser Hardtop ah, waxayna u geyeen al shabab, laamaha amniga Jubbaland oo kaashanaya sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxaa horay ugu suuragashay inay magaalada Muqdisho kasoo qabtaan labadii kale oo hadda ku xiran magaalada Kismaayo.

Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa marar badan sidan oo kale gacanta ugu soo dhigay kuwa al shabab can saar layeeshay oo isku dayay in ay bulshada isku qariyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here