Hadal heyn aad u xoogan ayaa ka dhalatay ka dib markii ciidamada dowlada iyo kuwa dadka degaanka ay isaga baxeen degaano dhaca koonfurta gobolka mudug ee bartamaha soomaliya degaanadaan oo ay ka baxeen ciidanka ayaa waxaa ka mid ah magalada bacadweyne camara iyo caad oo dhamaantood sanadkii hore al shabab laga saaray Xog ay heshay simba ayaa sheegaya in ciidamada ay usoo baxeen gadood ay ka mujiyeen balamo la sheegay in ay uga baxday dowlada federalka ee soomaliya
Dhinaca kalana warar kale ayaa shegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye la filayo in uu maalmaha dhaw si dhaqsi ah u tago furimaha hore ee Gobolka Mudug, si uu ula hadlo ciidamada kasoo baxey magaalooyin dhawr ah hadana ay ku sugan yihiin al shabab
QoorQoor ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyay ee ku baxa ciidamada furimaha soo banneynaya, iyadoo la xasuusto in bartamaha bishii September ee sanadkii hore qarax lagu eegtay QoorQoor isla furimaha ay ciidamadu soo baneeyeen hada
Sidoo kalana masuliyiinta sida adag kaga hadlay furimaha lasoo baneyay waxaa ka mid ah xidhibaan yasiin fareey qoraalkiisa uu ku daabacay bogiisa gaar ah ee face book ayaana u dhignaa sidaan
Waxaan soo jeedinayaa in la helo cid lagula xisaabtamo dayaca soo noqnoqda, lana niyad jebin shacabka geesiyada ah iyo ciidamadooda oo iska garab dagaalamaya har iyo habiin. Waxaa ceeb iyo taariikh xumo dhaxlaya kuwa magac iyo mansab ku raadinaya in ay xagal daaciyaan Jihaadka lagu difaacayo diinta, sharafka, Cirdiga, Karaamada, Hantida iyo guud ahaan qaranimada, kana dhigaya shaqada la hayo mid loo hayo shakhsi, xisbi iyo xukuumad shalay timid berina baxeysa. Sidoo kale isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri
Khawaarijtu maanta waxa ay marayaan heerkii ugu hooseeyey jiritaankooda. Malaha awood ay ku qabsadaan dhul iyo deegaan cusub, mana laha awood ay ku difaacdaan goobaha ay wali ku harsan yihiin. Waxaa dhammaan la wada qirsan yahay in Caad, Camaaro iyo Bacaadweyne looga bixin awood yaro heysta CXDS iyo kuwa deegaanka, waana biyo kama dhibcaan in lagu laaban karayo saacadaha soo socda
Si kastaba ilaa hada ma jirto cid ka tirsan dowlada federal iyo kuwa galmudug oo ka hadashay ciidamada soo baneyay furimaha dagaal ee konfurta gobolka mudug Waxaase la xasuustaa in dhawaan mudug lagu maxkamadeyay ciidamo ku dhow 30 askari oo kasoo baxay jidaha konfurta mudug

