DEGDEG:maxkamada gobolka banadir oo xukun dil ku riday sayid cali nolosha ku gubay xaskiisa

0

 

Maxkamada gobolka banadir ayaa gordhaweyd oo hada  ah ku dhawaqday xukunka edeysane sayid cali macalin daauud oo ku edeysnaa in uu nolosha ku gubay xaaskiisa oo xaamilo aheyd laguna magacabayay AUH marxumad luul cabdicasiis

Maxkamada ayaana ku xukuntay edeysane sayid cali xukun dil toogasho ah sida uu maxkamada ka hor aqriyay gudoomiyaha maxkamada gobolka banadir oo ay goobjoog ahaayeen ehelada dhibanaha iyo edeysane sayid cali macalin dauud Waxa uuna gudoomiyaha shegay in dambilaha uu racfaan ka  qaadan  karo xukunka lagu riday

 

Kiiskaan uu edeysane u ahaa sayid cali macalin dauud ayaana ahaa midkii ugu sameynta badnaa kisaskii maxkamada gobolka uu qaado kaasi oo ay bulshadu si weyn u sugeysay xukunkii sayid cali iyo waxa uu noqon karo marxumad luul cabdicasiis ayaana wali la aasin iyadoo mudo ka badan bilk u jirta fuunjiyeer

 

Dhica kalana maxkamada gobolka banadir ayaa la filayaa in ay bilowdo kiisas kaloo maalmahaan muqdisho kasoo badanayay kaasi oo ah mid argagax leh

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here