Maleeshiyaad ka Tirsan Al-shabaab ayaa hoygiisa caawa ku weeraray Tifaftiraha Radio Simba Abdirahman Mohamud Elmi (Koronto).
Falkaan ayaa ka dhacay Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir,wuxuuna dhacay abaare 08;00PM habeenimo ee xalay.
Raga hubeysan ayaa guriga tifaftiraha ku dhuftay dhowr xabadood waxayna taasi dhalisay dhaawaca wiil la dhashay Tifaftiraha kaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka magaaladda Muqdisho.
Tifaftiraha Radio Simba Abdirahman Mohamud Elmi ayaa hoyga ku sugnaa xiliga lagu weerarayay balse wuu ka badbaaday.
Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray guriga la weeraray gaar ahaan qolkii uu daganaa oo xabadaha ay saameeyeen.
Tifaftiraha Radio Simba Abdirahman Mohamud Elmi (Koronto) ayaa la kulmaayay mudooyinkii dambe hanjabaadyo kaga imaanaayay Maleeshiyaadka oo diidanaa wararka iyaga lidiga ku ah,waxayna dhowr jeer fariimo usoo direen dilal ugu hanjabeen.

