Shirkadda Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa shaaca ka qaaday in wararkii ugu dambeeyay ee lagu qoray Idaacadda BBC-da qeybteeda Af-Amxaariga iyo baraha bulshada ee ku saabsanaa xaaladda hawada Soomaaliya ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona laheyn.
Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa tilmaamtay in aanay joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya, isla markaana madaxda shirkadda Ethiopian Airlines aysan sheegin warka sheegaya in uusan ammaan ahayn duullimaadyada hawada Soomaaliya, Sidaas darteedna ay Laanta Af-Amxaariga ee BBC-da ay ka dalbadeen inay saxdo warbixinta ay ka soo saartay arrintan.
“Diyaaradda Ethiopian Airlines waxay jeclaan lahayd inay caddeyso in wararkii ugu dambeeyay ee BBC-da Amxaariga iyo baraha bulshada ee BBC-da iyo baraha bulshada ee kale ee ku saabsanaa hadallada madaxa shirkadda Ethiopian Group ee ku aaddan xaaladda hawada Soomaaliya ay yihiin kuwo aan sax ahayn oo qalloocan.”ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay bogga facebook ee shirkada Ethiopian Airlines.

