Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeysay fadhiga koowaad ee dhageysiga dacwada loo haysto eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeyaan inuu gubay xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis.
Fadhiga koowaad ee Maxkamada ayaa maanta waxaa soo xaadiray labada dhinac ee dacwada quseeyso qareeno iyo dadweyne kale.
Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay qaar ka mid ah caruurta ay ka geeriyootay marxuumad Luul Cabdicasiis, kuwaas oo Maxkamadda ka hor sheegay waxyaabahii ay arkeen markii hooyadood ay gubaneysay.
Farxiyo Cabdirisaaq oo ka mid ah carruurta Luul oo ah 10 sano jir ayaa si dareen leh uga hadashay dilka hooyadeed Maxkamadda horteeda, waxayna sheegtay inay aragtay hooyadeed oo holceyso.
Maxkamada gobolka Banaadir ayaa balamisay fadhiga kale oo xiga fadhigaan koowaad, waxaana dhinacyada la kala siiyay fursad ay kusoo dhameystiraan cadeymaha iyo marqaatiyaasha harsan.

