Somaliland ayaa sheegtay in ay si buuxda u hirgalinayso isfahamkii ay la gashay dowlada Itoobiya, waxayna ku dooday in uu yahay mid waafaqsan xeerarka caalamiga ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R. Ciise Kayd Maxamuud, oo shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiska Somaliland ee Itoobiya, ayaa warbaahinta Itoobiya u sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid barwaaqo u horseedi doona labada dhinac.
“Wafti ahaan waxaanu sharaxaad ka bixinay arragtidayada ku aadan is-fahamka ay Somaliland iyo Itoobiya wadagaleen, kaasi oo aan kali ah waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah, lakiin ah mid is badal togan u horseedaya Somaliland iyo Itoobiya, marka ay noqoto dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo amaanka” ayuu yidhi Wasiir Kayd.
Waxa uu sheegay wasiirku in aan la malaysan karin faa’iidada laga dhaxli doono is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya, sidaa darteed na ay Somaliland ka go’antahay in ay hirgaliso, isaga oo sheegay in guddi aqoonyahano ah loo xilsaaray.

