Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Ka Hor Yimid Xeerka Doorashooyinka

0

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in xeerka doorashooyinka ee maanta golaha guurtidu ansixiyeen uu yahay mid dhaawacaya midnimada Somaliland.

 

Saylici ayaa yidhi “Saaka waxa la ansixiyay xeer dano gaar ah u adeegaya, oo aan u adeegayn danta guud ee umada reer Somaliland, xeerkan la ansixiyay qayb kamid ah bulshada ayuu xaqooda duudsiyaya, waxan leeyahay xeerkaasi yuuna mar labaad qaranka jar ka tuurin”.

 

Waxa uu sheegay in xeerka maanta la ansixiyay uu ahaa mid duu duub lagu ansixiyay oo aan marnaba xildhibaanada loo ogolaan in ay akhriyaan, isla markaana uu khataryahay “Waxan hubaa hadii aan xeerka laga gurmanin in doorasho la eedaa ay ka dhici doonto qaranka Somaliland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here