Madaxweyne Xasan Shiikh oo La Kulmay Danjiraha Soomaaliya u jooga Isutaga Imaaraadka Carabta

0

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Imaaraadka Carabta ay ku leedahay magaalada Muqdisho, kadib toogashadii dhawaan lagu dilay saraakiil u dhalatay dalkaas ee ka dhacday xerada Janaraal Goordan.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa halkaas kulan is xogwareysi iyo tacsiyeyn ah kula qaatay Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Axmed Jumca Al-rumeysi.

 

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Xasan iyo Danjire Axmed ayaa sidoo kale looga hadlay ahmiyadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha.

 

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dalalka sida dhow u taageera dowladda Soomaaliya, kaaso si gaar ah uga qayb qaata  dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here