Weerar Lagu Dilay Saraakiil Imaaraad ah oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya saraakiil u dhalatay Dalka imaaraadka Carabta iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhimasho iyo dhaawacyo loogu geystay Xiradda Jeneraal Gordon Degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho.

 

Askari ka tirsan ciidan cusub oo tababar uga socday mudooyinkii dambe xerada militeriga Soomaaliya Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho ayaa fuliyay weerarka lagu laayay saraakiisha Ciidamadda imaaraadka Carabta ee Muqdisho ku sugnaa.

 

Askarigaan ayaa ku jiray ciidankan cusub oo saacadihii lasoo dhaafay loo qeybiyey hubkooda, kadib markii tababarka loo soo gabagabeeyey.

 

Weerarkan oo ka dhacay Gudaha Xarunta Jeneraal Gordon ayaa dhacay xiligii salaadda maqrib kadib,waxaana Masaajid ku yaala Gudaha Xirada askariga uu ku weeraray Saraakiisha u dhalatay dalka Imaaraadka Carabta.

 

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in saraakiisha goobta lagu dilay ay gaarayaan 10-sarkaal uu ku jiro sarkaalkii ugu horeeyay ciidamadda imaaraadka ee ku sugan Magaaladda muqdisho kaasi oo magaciisa lagu sheegay Col. Maxamed Mubaarak.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here