Xubin Ka Tirsan Al-Shabaab oo Loo Ogolaaday inuu Ku Noolaado Mareykanka

0

Ku simaha agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Dhaqangelinta Canshuuraha ee Mareykanka (ICE), Patrick Lechleitner, ayaa shaaca ka qaaday in xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee dagaalanta Soomaaliya loo oggolaaday in uu si xor ah u dhex noolaado gudaha Mareykanka ku dhawaad sanad kaddib markii laga soo qabtay xuduudka koonfureed ee dalkaas.

 

Ninkaan oo la sheegay inuu ahaa  27 jir Soomaali ah oo aan la magacaabin, ayaa markii hore lagu xiray meel u dhow San Ysidro 2023, kaddib markii uu si sharci darro ah ugasoo gudbay xaduudka.

 

In kasta oo ay isla markiiba xabsiga u taxaabeen Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka, ayaa horseeday in markii dambe lagu sii daayo gudaha Maraykanka.

 

Warbaahinta Maraykanka ayaa qoraysa in ninkan uu ku lug lahaa isticmaalka, samaynta, iyo rarista walxaha qarxa iyo hubka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here