Howlgal Lagu Dilay Xubno Ka Tirsanaa Al-shabaab

0

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in deegaanka Buq aqable ee gobolka Hiiraan ay ka fulisay howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

 

War kooban oo lagu baahiyay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah loola eegtay gaari ay saarnayeen xubno isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

 

“Howlgal aad loo qorsheeyay oo lagu laayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan. Howlgalka ayaa lagu beegsaday laba gaari oo ay saarnaayeen Horjoogayaal Khawaarij ah oo aad loo doon doonayay” ayaa lagu yiri warka lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here