Nisa oo Shaacisay Howlgal Lagula Beegsaday Shabaab deegaanka Buq aqable

0

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buq aqable ee gobolka Hiiraan.

 

Howlgalka ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga dhacay goob garaash ah oo ay kooxdu kasoo abaabuli jirtay weerarada qaraxyada ah oo ay ka geystaan gudaha dalka.

 

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu guuleystay, islamarkaana dhulka lala simay gaadiid iyo xubna badan oo ka Al-Shabaab oo ku sugnaa garaashka la beegsaday ee ku yaala Buq aqable.

 

Warka kasoo baxay NISA laguma faahfaahin inta uu dhan yahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay howlgalka maanta ka dhacay deegaanka Buq aqable ee gobolka Hiiraan, hayeeshee waxaa la filaya in saacadaha soo socda ay faahfaahiso dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here