Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aankii ay dhawaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ku sheegtay in ay awood u leedahay in ay baaritaan ku sameyso xasuuqa Israa’iil ay ka geystay Marinka Gaza.
Dowladda Soomaaliya ayaa go’aankaan ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday isla xisaabtanka tacadiyada ka dhanka ah shacabka Falastiin.
“Soomaaliya waxay u taagan tahay inay dalbato in si degdeg ah loo fuliyo tallaabooyin ku-meel-gaar ah oo lagu ilaalinayo xuquuqda iyo fayo-qabka Falastiiniyiinta, iyadoo diirradda koowaad la saarayo joojinta falalka foosha xun ee Israa’iil ee burburinta jiritaanka nolosha dadka aan waxba galabsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya waxay ku baaqday baahida degdegga ah ee xabbad-joojin Gaza si looga hortago khasaare kale oo naf rayid ah oo aan waxba galabsan.

