Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarado dagaal oo saakay duqeeyay Saldhigyo dagaalyahanadda Al-shabaab ay ku leeyihiin Degmadda Galhareeri ee Gobolka Galgaduuud ee Maamulka Galmudug.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka daqiiqado ayay ku socdeen duqeymaha Saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin Degmadda Galhareeri ee Gobolka Galgaduud,waxayna cabsi badan ay soo wajahday dad shacabka ah oo ku nool Degmadda iyo tuulooyinka u dhow.
Ilaa haatan si dhab looma oga khasaaraha ka dhashay duqeymaha saakay laga maqlay Degmadda Galgaheeri ee Gobolka Galgaduud, iyo inta saldhig ay diyaaradaha dagaal ay duqeeyeen iyo xubnaha la beegsaday.
Sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Galmudug,Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo looga hadlaayo duqeynta saakay lagu beegsaday Degmadda Galhareeri ee gobolka galguud.
Al-shabaab ayaa dhankooda ka gaabsaday in ay ka hadlaan duqeymaha saakay lagu beegsaday saldhigyadda ay ku leeyihiin Degmadda Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.
Degmada Galhaeeri ayaa ah Degmo gacanta ugu jirta Al-shabaaab,waxaana ku sugnaa xubno sar sare oo ka tirsan Al-shabaab.
Saaxibada Caalamiga ah iyo ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii dambe kordhiyay duqeymaha ay la beegsadaan Saldhigyadda dagaalyahanadda Al-shabaab.
Duqeyntii ugu dambeysay ayaa ka dhacday Deegaan dhanka Waqooyi bari kaga beegan magaalada Kismaayo ilaa 45KM,wuxuuna Mareykanka sheegay in lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaab ay ku sugnaayeen.

