Golaha Wakiilada SL oo Ka Hor Yimid Tilaabo uu Qaaday Muuse Biixi

0

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sharci jabin ku tilmaamay xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr 91 oo uu madaxweynuhu dib ugu celiyay Golaha Guurtida.

 

Golaha Wakiilada ayaa sheegay in talaabada uu madaxweynuhu xeerka dib ugu celiyay ay tahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay golaha.

 

“Waxaanu halkan ku caddaynaynaa in qoraalka celinta xeerarka sare ku xusan ee uu Madaxweynaha JSL u gudbiyay Golaha Guurtidu uu yahay mid aan waafaqsanayn qodobka 78/3 oo caddaynaya in madaxweynuhu uu xeer ku celin karo kaliya Golaha Wakiilada”.

 

Xisbiga Waddani ayaa isagu shalay aad uga soo horjeestay talaabada uu madaxweynuhu xeerka dib ugu celiyay Golaha Guurtida, dhinaca kale xisbiga UCID, ayaa ku baaqay in golayaasha sharci dajintu ay isku waafaqaan xeerka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here