Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid qorshe ay sheegeen in maalinta berito ah lagu doonayo iney labada Gole ee Baarlamaanka ku ansixiyaan wax ka badalka Dastuurka.
Xildhibaanada oo qaarkood arinkaasi ka shiray ayaa uga digay madaxda dowladda fedaraalka in xiligaan ay qaadaan talaabooyin aan loo baahneen, waxaana shirka Xildhibaanada kadib warbaahinta la hadlay Xildhibaan Maxamed Ibrahin Macalimu.
“Kulanka berito labada aqal loo balamiyay waxaan ku baaqeyna inaan dalka loo horseedin kala qeybtiisa, maadama shacabka ay hada neel uga soo wada jeedaan qadiyada iyo difaaca dalka, looma bahna in Datsuurka wax ka badal lagu sameeyo waqtigaan oo dalka meel xasaasi ah marayo, wax walba oo caqabad ah oo dalka ku yimaada masuuliyadiisa waxaa qaado doona madaxda dowladda” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ibrahin Macalimu.

