Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Fiidoow oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan Shabaab oo sadax ka mid ah ahayeen horjoogayaal ka tiraan Al-shabaab.
Horjoogayaasha howlgalka lagu khaarajiyay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdiraxmaan Dheere oo kooxda u qaabilsana weerarada gaadmada ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Horjoogaha labaad oo magaciisa lagu soo gaabiyay Mucaad ayaa asna ka tirsana qaybta weerada ay shabaab ka geystaan gobalka Shabeellaha Dhexe, halka Horjoogaha sadaxaad ee la dilay Cabdirisaaq Muuse Khaliif uu ahaa ku xigeenka Horjoogaha Sakawaadka, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

