Ethopia oo Ka Cudur Daaratay Ka Qeybgalka shirka IGAD ee Uganda

0

Hal maalin oo kaliya ayaa ka harsan tahay waqtiga loo iclaamiyay shir ay isugu imaanayaan madaxda dalalka IGAD oo ka dhacaya dalka Uganda.

Dowladda Itoobiya ayaa ka cudur daaratay ka qeybgalka shirkaas.

 

Shirkaan oo uu dhawaan Iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ah mid looga hadlayo heshiiskii muranka badan dhaliyay ee bilowgii bishaan Adis Ababa ku dhexmaray raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa warqad ay u dirtay IGAD kaga gaabsatay ka qeyb galka shirkaas, iyadoo sheegatay iney howlo kale ku mashquulsan yihiin, islamarkaana dib loogu dhigo shirka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here