La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin ayaa sheegay in ay Soomaaliya diyaar u tahay dagaal ay la gasho Itoobiya si looga hortago heshiiska Somaliland iyo Ethiopia ee dhinaca badda, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian.
La taliyaha amniga qaranka ayaa yiri: “Waxaan raadineynaa dhammaan fursadaha diblomaasiyadeed, waxaana filayaa in Itoobiya ay soo noqon doonto maskaxdeeda, laakiin waxaan diyaar u nahay dagaal haddii Abiy Ahmed uu rabo dagaal.”
1-dii Jannaayo, Itoobiya waxay la saxeexatay Somaliland heshiis is-afgarad ah oo u ogolaanaya dhismaha deked xeebeed iyo saldhig milatari oo ay ka dhisanayso badda Saylac oo katirsan dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya.
Talaabadan ayaa ka cadhaysiisay dawladda Soomaaliya oo sheegtay in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulkeeda, isla markaana dowladdu waxay ku dhawaaqday in heshiiskaasi uu xadgudub ku yahay qaranimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

