Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eretariya.
Madaxtooyada Soomaaliya oo si kooban uga hadashay safarka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sheegtay inuu yahay mid shaqo, waxaana wafdiga madaxweynaha Soomaaliya garoonka diyaaradaha Asmara kusoo dhaweeyay madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki.
Dowladda Eretariya oo dhankeeda ka hadashay safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ku sugnaan doonaan magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eretariya mudo laba maalmood ah.
Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Eretariya ayaa ka wada hadli doono xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood iyo xaaladahii ugu dambeeyay ee gobolka iyo Caalamka, sida ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta dalka Eretariya.

