Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Xalay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku boggaadiyay doorkooda taariikhiga ah oo ay ka qaateen ilaalinta madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka siiyay Xildhibaanada xaalada guud ee dalka, sida dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo qorshaha dowladda ee ku aadan ka hortaga xadgudubka dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah Biyaha Soomaaliya
Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha iney ka go’an tahay dowladiisa difaaca dhuleed ee dalka oo uu xusay ineysan jirin wax lagu badalan karo.

